Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Xeerka ka hortaga iyo xakameynta ka ganacsiga tahriibta dadka | best 1

0

Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Xeerka

Xogside Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xeerka ka hortagga iyo xakamaynta ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka, ee xeer Lr.101/2022, xeerkan ayaa hore uga soo gudbay aqalka Golaha Wakiillada.Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Xeerka ka hortaga iyo xakameynta ka ganacsiga tahriibta dadka

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominayay ku xigeenka kowaad ee golahaasi  mudane Siciid Jamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi waxay ka doodeen in xeerka ka hortaga iyo xakameynta ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka.

qodobadiisa ka hadlaya ciqaabta in la kordhiyo, si qofka eedeysanaha ahi aanu u iibsan karin xadhiga, iyagoo mudnayaashu ay dalbanayeen in laga dhigo laba sanno ilaa toban sanno oo xadhig ah, halka sidoo kalena la codsaday in guddi kooban loo saaro soo naaqishista xeerkaasi.Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Xeerka

Gabo’gabadii, fadhigaasna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi Md-Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi ku wargaliyey in xeerka tabriibinta dadka loo saari doono guddi kooban oo ka soo shaqeysa, golahana dib ugu soo celisa, si gole weynuhu uu hawshiisa dastuuriga ah uu uga guto.Golaha Guurtida oo ka Dooday sidii loo kala Xadayn lahaa Dhul daaqsimeedka iyo Dhul beereedka

Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Xeerka

fariin noogu reeb