Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka. | best

0

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka 

Golaha wakiilada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka, xubnahan oo ay hore u diideen.

70 xildhibaan oo kasoo xaadiray kalfadhiga shalay ayaa dhamaantoodba gacanta u taagay gacanta saddex komishaneer, Muuse Xasan Yuusuf, Axmed Cismaan Xasan iyo Axmed Yuusuf Maxamed, oo kamid noqon doona Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Haddaba, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnahan golaha kusoo celiyay, iyadoo goluhu uu diiday in uu codka kalsoonida siiyo muddo laba bilood ka hor ah, xilligaas oo uu goluhu ansixiyay 4 kamid ah xubnaha guddida, kadibna uu galay fasax 2 bilood ah.

Kadib fasaxa labada bilood ah ee uu goluhu galay, xukuumadda Somaliland ayaa in muddo ah ku eedaynaysay golaha wakiillada in ay ka caga jiidayaan dhamaystirka guddida doorashooyinka si loo amba qaado qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada.

Haddaba, soojeedintii guddida dhexdhexaadinta ee 25 August, ayay kamid ahayd in la ansixiyo xubnaha ka dhiman guddida si loo dedejiyo howlaha u diyaar garowga doorashooyinka.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu u ansixiyeen xubnihii ka hadhsanaa Komishanka doorashooyinka Somaliland, si aan dib u dhac dambe oo ku yimaada arrimaha doorashooyinka aan Golahooda wax looga saarin.Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka.

Waxaanu yidhi.“Waxan soo jeedinayaa in xubnahan Komishanka doorashooyinka si wada jir ah hawshooda u dhamaystiro, si ay u guddo galaan hawshii u taalay Komishanka doorashooyinka Qaranka oo aan dib u dhac dambe, oo Golaha Wakiillada wax laga saaro aanay u iman.”Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu sheegay in looga baahan yahay xubnaha komishanka doorashooyinku in ay caddaalad iyo si waafaqsan xeerarka iyo Distuurka dalka u gutaan shaqada culus ee horyaala.Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka.

Waxaanu yidhi “Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komishanka ee aynu codka siinay maanta in ay xilkooda u gudan doonaan, si waafaqsan xeerarka, shuruuda dalka iyo Distuurka qaranka.

Waxa aynu ka filaynaa waa caddaalad iyo garsoor ay u sameeyaan dhamaan tartamayaasha iyo asxaabta qaranka ama Ururada tartami doonta.”

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka  

fariin noogu reeb