Golaha Wakiillada Somaliland oo guda galay xeerka caymiska shirkadaha

0
Golaha Wakiillada Somaliland oo guda galay xeerka caymiska shirkadaha

Hargeysa (Xogside) – Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa maanta guda galay xeerka caymiska shirkadaha, oo ay soo diyaariyeen guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golahaasi.Golaha Wakiillada Somaliland oo guda galay xeerka caymiska shirkadaha

Fadhigii maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Cabdirisaq Khaliif Axmed ayaa waxa loo qaybiyay mudaneyaasha xeerka caymiska shirkadaha, xeerkan oo ay soo diyaariyeen gudi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada.Golaha Wakiillada Somaliland oo guda galay xeerka caymiska shirkadaha

Guddoomiyaha gudi hoosaadka dhaqaalaha ee golahasi mudane Cabdirashiid Cabdilahi Muuse (Caga-wayne) ayaa mudaneyaasha faahfaahin ka siiyay xeerkan iyo muhiimada uu u leeyahay qaranka, isagoo mudaneyaasha ka codsaday inay ku kabaan xeerka wixii faa’ido u leh qaranka oo ay wax ka bedel iyo kaabis ay kusoo sameeyaan qodobada ay u arkaan inay waxka baddal u baahan yihiin.Golaha Wakiillada Somaliland oo guda galay xeerka caymiska shirkadaha

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibanada ayaa soo jeediyay in goluhu ka hadlo xaalada abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada bariga oo xaalad biyo la’aan ahi ay ka jirto, iyagoo ka codsaday shir guddoonka golaha wakiillada in kulan gaar ah laga yeesho xaaladda abaarta ee dalka ka taagan, Gabogabdii guddoomiyaha golahaasi mudane Cabdirisaq Khaliif Axmed ayaa ku war geliyay mudaneyaasha in maalinta berri ah ay isugu yimaaddaan shir lagaga hadli doono xaaladda abaarta ee ka jirta guud ahaan Somaliland.

Golaha Wakiillada Somaliland oo guda galay xeerka caymiska shirkadaha

fariin noogu reeb