Goobihii Ugu Horeeyay Dunida ee Booliis laga Sameeyo

0

Xajaaj wuxu ahaa badhasaabkii wakhtigii Umawayiinta ee Ciraaq xukumayay, wuxuu ahaa nin dhib badan oo dilka dadku la fudud yahay.  Bulshadii ku noolayd Ciraaqna way neceen.  Waxa la sheegay inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee abuuray ciidan Booliis ah.

Xajaaj ayaa soo saaray sharci ah inaan magaalooyinka habeenkii dad safar ahi aaanay soo geli Karin, taasina ayaanu u adeegsaday booliiskii uu sameeyay oo habeenkii  magaalooyinka gaaf wareegi jiray.

Booliiskaasi ayaa habeen qabtay nin reer miyi ah oo magaalada soo galay, waxaana ay ku yidhaahdeen “ Maxaa xiligan u keenay miyaanad maqal amarka Badhasaabku soo saaray”?. Ninkii reer miyiga ahaa ayaa u sheegay in aanu maqal oo ay markan u dhaafaan, laakiin way ka diideen waxayna u sheegeen inay Xajaaj aroorta u geynayaan.

Markii waagii beryay ee loo geeyay Xajaaj, ayuu ka codsaday inuu cafiyo, laakiin arinkaasi waxa ka diiday Xajaaj oo sheegay in haddii la cafiyo ay dadku caado ka dhigan doonan sidaas darteed la dilo ninkaa si sharci ugu fulo.

fariin noogu reeb