Goobta Dunida ugu khatarta badan | best 1

0

Goobta Dunida ugu khatarta badan

Xogside – Xuduudka  ay  wadagaan labada  dal ee Kuuriyada woqooyi iyo Kuuriyada koonfureed ayaa noqday ka ugu khatarsan dunida, waa goob dagaal iyo halis u joog ah tan sanadkii 1953 oo ahayd markii dagaalkii labaad Kuuriya joogsaday kaasi oo socday muddo 3 sano ah.  Dagaalkaasi oo dad aad u tiro badani ku hoobteen intii u dhaxaysay 1950-1953.Goobta Dunida ugu khatarta badan

Xuduudkan oo dhererkiisu dhan yahay 270 km, waxa lagu xidhay silig ama taar danabaysan (laydh) iyadoo dhulkana lagu aasay miinooyin. Waxa kale oo intaasi dheer in derbigiisu uu yahay mid aad u dheer, isla markaana godad hoostiisa laga qoday.Goobta Dunida ugu khatarta badan

Madaafiicda goobta ayaa iyana halkaasi ku diyaar ah oo sanqadh kasta iyo shaki kasta oo yimaada waxay halis u tahay in la rido madaafiicdaasi. Kuuriya waxay dal keliya oo uu gumaysan jiray Japan tan iyo sanadkii 1910, laakiin markii dagaalkii labaad lagu jebiyay Japan waxa Kuuriya qabsaday Ruushka iyo Maraykanka oo kala qaybsday oo ka dhigay labada dal ee Waqooyiga iyo Koonfurta.Goobta Dunida ugu khatarta badan

Markii ay xoriyadooda qaateen sanadki 1949, la iskuma soo celin labada Kuuriya , iyaguna iskood uma ay midoobin, taasi oo ka dhigtay ilaa maanta inay kala ahaadaan labada dal oo weliba colaad xun la kala dhex dhigay, isla markaana aan isu gudbi Karin.Goobta Dunida ugu khatarta badan

Goobta Dunida ugu khatarta badan

 

fariin noogu reeb