Goolaha amaanka oo baaq u diray dawlada somaaliya
Goolaha amaanka ee Qaramadda midoobay ayaa kulan ay albaabadu u xidhanyihiin aga dooday xaalada siyaasada ee Somalia iyagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasada soomalia in dib ugu taabtaan wada hadaladii afisiyooni.
Kulan ayaa uu gooluhu war bixin kaga dhagaystay wakiilka Qaramada midoobay ee Somalia Mr Swa, gaar ahaana arimaha waaga siyaasada ee doorasha ee ugu dambayntii sabay in baarlamanka Jamuuriyada fadaraalku ugu kordhiyaan laba sano dawlada hada jirta.
Wakiilada xubnaha ka ah goolaha amaanka oo qaarkood qoraal soo saarayeen ayaa  ay ku sheegeen mihiimada ay leedahay in dib loogu laabto wada hadaladii taandhada afisiyooni ee gar wadeenada ka ahaayeen beesha caalamku..
War qoraala oo ka soo baxay ergada Norway ee goolaha amaanka ayaa lagu yidhi  dariiqa kaliya ee u furan soomalia waa in dib loogu laabto wada hadaladii doorasha ee ku salaysnaa heshiish 2017 September.
Waxa sidoo kale aragtiyo taas la mida soo jeediyey wakiilada goolaha amaanka airland iyo hindiya kuwaas oo sheegay in lagama maarmaantahay in markale wada hadal layskugu yimaado
Baaqa goolaha amaanka ayaa imanaya xili dhawaan golaha baarlamanka fedaralka Somalia meel mariyey qorshe loogu magac daray jihaynta doorasha oo qaadanaysa mudo laba sano ah.
waxa yigaduna ka horyimid si wayn ugu soo horjeesday arinkaa oo diiday qaarka mida madaxda dawlad goboleedada , madaxweynayaashii hore dalka , midawga musharaxiinta siyaasada ee mucaaridka iyo beesha caalamka lafteeda .