Guddida dacwadaha iyo anshax marinta xidhiidhka kubada cagta Somaliland ayaa ganaaxyo culus dul-dhigay ciyaartoyo Iyo Tababareyaal.
Hargeysa –(xogside) Ciyaartoygan ayaa ka kala tirsan kooxaha Db World, kooxda Gaashaan ee gobolka Togdheer, guddida ayaa sheegtay in mudadii uu tartanku socday in la bixiyay 87 kaadh oo huruud ah iyo sideed kaadh oo casaan ah, shan ka mida kaadhadhkaasi casi waxay ahaayeen kuwo loo yaqaano tooska.
Waxay gudidu intaasi ku dareen in kaadhadhka tartankan la qaatay ay ciyaartoyga ugu diiwaan gashanaan doonaan horyaalada ay ka ciyaaraan, oo ay saameyn ku yeelan doonaan marka tartankani uu dhammaado.
waxaanay gudidu ku dhawaaqeen ganaaxyadii ay soo saareen iyagoo sheegay in ciyaartoyga Iid Xasan Jaamac oo ka tirsan kooxda gaashaan Togdheer oo qaata lanbarka 21 in laga ganaaxay ciyaaraha muddo hal sanno ah.
halka tababaraha magaciisy yahay Xasan Xuseen Xasan isna la ganaaxay labada kulan ee ugu soo horreeya kooxdiisa, halka ciyaartoyga Maxamed Dayib Xasan oo qaata lanbarka 10, kana tirsan kooxda DP world laga ganaaxay labada kulan ee ugu soo horreeya ee kooxdiisa.
Gabagabdii guddidu waxay ku boorisay dhammaan ciyaartoyga iyo macalimiinta kooxaha in ay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda ciyaaraha u dajisan, isla markaana ay si fiican u dhmmaystaan tartanka Horyaalka Hoyraallada Somaliland oo maraya heererkiisii ugu danbeeyay.