Guddida maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland ayaa markii labaad u qabatay kulan xog isweydaarsi ah oo ku saabsan maamul daadejinta isu duwayaasha gobolka Maroodi Jeex.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa ka faa’ideysanaya qaar ka mid ah isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda ee gobolka Maroodi Jeex, waana qaybtii labaad ee isxogweydaarsigaasi.
Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta guddida maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, waxaana ay sheegeen inuu xog isweydaarsigani uu ahmiyad weyn u leeyahay isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, iyagoo tilmaamay in maamul daadejintu ay ka caawinayso isu duweyaasha gobolka sidii ay u gudan lahaayeen shaqooyinka ay u igman yihiin. Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in maamul daadejintu ay sees u tahay dawladnimada sidaas awgeed ay xil weyn iska saaraan isu duwayaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee qarankuba sidii ay ugu dhaqmi lahaayeen.
Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha fulinta gobolka Maroodi Jeex Garyaqaan Maxamed Cabdi Deeq, waxaana uu sheegay in faa’iido weyn ay qaranka u leedahay nidaamka maamul daadejinta, isagoo tilmaamay in waajib ay tahay in lagu dhaqmo xeerka gobollada iyo degmooyinka dalka ee sumaddiisu ay tahay, sharci nambar 23, kaasoo sheegaaya xilgudashada waajibaadka guud ee la siiyay isu duwayaasha gobollada. Isagoo kula dardaarmay isu duwayaasha inay xil iska saaraan shaqada ay bulshada u hayaan.