Guddida Xuquul Insaanka Somaliland ayaa booqday 8 Hablood oo laga soo qabtay Laascaanood kuwaas oo lagu xidhay xabsi ku yaalla Berbera
Hablahan ayaa la xidhay kadib markii ay Calanka Soomaaliya ku xidheen Laascaanood.
Qaar ka mid ah Hablahan ayaa ah Arday ku jira xilligii Waxbarashada.
Koomishanku waxa ay tilmaameen in qaarka mida hablahaasi ay u bilaamatay waxbarashadii sannad dugsiyeedka 21 ilaa 22, halka kuwa kale ay u socotay waxbarashadii heerkooda jaamacadeed. 
