Hargeysa (XOGSIDE) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
Kulankan Guddiga joogtada ahi ay la yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mida ardayda wax ka barta Dugsiyda iyo Jaamacadaha kala duwan ee Dalka.
Xoghayaha Guud Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan C/naasir Aadan Beegsi, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid is xog-waraysi ah oo ku saabsanaa wadashaqaynta ka dhaxaysa Guurtida iyo Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha isaga oo tilmamay ahmiyadda ay leedahay in ardaydu bartaan Dastuurka iyo golayaasha qaranka.
Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa si waafi ah uga warantay in wasaradaasi xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ay u taagan tahay in ay bulshadeena baraan dastuurka wadanka, Â waxaanay sheegtay in golaha Guurtida ay keeneen 15, arday oo wax ka barta qaar ka mid ah Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka iyadoo ardaydaasina ku booriday in golaha guurtida ay kala shaqeeyaan arimaha la xidhiidha nabada.
Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo La Kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidha Goleyaasha