Guddiga Xuquuqul Insaanka dalka Itoobiya ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah

0

 

Guddigani madaxa bannaan balse ay dowladda Itoobiya soo magacawday ayaa ku baaqday in la helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladda amniga iyo tan bani’aadamnimada ee haatan ka jirta deegaankaasi.

si loo xaqiijiyo badqabka dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga gobolka Tigreeda, halkaasi oo colaad siddeed bilood socotay ay sababtay in boqolaal kun oo qof ay macluul ku habsato.

Hadalkan ka soo yeedhay Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa u muuqda mid ka soo horjeeda mowqifka dowladda dhexe ay ka taagan tahay xaaladda gobolka Tigray oo dhawaan uun ay inta badan la wareegeen maleeshiyaadka daacadda u ah ururka TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa la kulantay dhaleecayn la xiriirta jarista korantada iyo isgaarsiinta gobolkaasi.

fariin noogu reeb