Guddoomiayaha Baanka Dhexe ee JSL Mudane Cali Ibraahim Jaamac ayaa xarunta Baanka Dhexe kulan kula yeeshay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Guurtidda, Guddidan oo uu horkacayey Guddoomiyaha Guddida Mudane: Ahmed Dirir Cali.
Ujeedadda kulanka ayaa daarnaa u xogogaal noqoshada Arrimaha Dhaqaalaha Dalka.
Ugu horayn Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac ayaa soo dhaweeyey guddida Arrimaha Dhaqaalaha ee Golaha Guuritidda isaga oo uga warbixiyey xaaladda dhaqaaqale dalka, iyo waajibaadka Baanka Dhexe ee JSL uu ugu xilsaaran yahay Qaranka.
Dhinaca kale, Guddoomiyahu waxa uu si faahfaahsan uga waramay waxyaabahii ugu waaweynaa ee u qabsoomay Baanka Dhexe ee JSL Saddexdii sano ee ugu danbeeyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.
1. Dejinta sicirka sarrifka
2. Degenaanta Sicir bararka
3. Tayaynta shaqadda iyo Shaqaalaha
4. Soo kordhinta Adeegyo cusub sida; adeeggaa E-shilling oo ku dhawaad 8,000 oo shaqaalaha dowladda ahi isticmaalaan kuwaas oo Telefoonanadooda gacanta mushaharkoodu igu soo dhaco, iyo Adeegga E-Cashier oo dadweynahu ku bixin doonaan Cashuurta dowladda.
4. Maalgelinta Mashaariicadda Horumarineed ee Haayaddaha Dowladda.
Gebogabaddii, Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL waxa uu guddida Arrimaha Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida la wadaagay qorsha horumarineed uu u qorshaysan in ay wax ka qabtaan.
Guddoomiyaha waxaa kulan ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Dibadda Mudane Mukhtaar Cumar Cali.