Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la kulmay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi | best 1

0
Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la kulmay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi

Boorama (Xogside) – Badhosaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolka Awdal.Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la kulmay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi

Kulankan ayaa u jeeddadiisu ahayd, siduu warkan noogu soo diray weriyaha wakaaladda wararka ee gobolkaasi Abokor Caafi, sidii looga diyaar garoobi lahaa abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta degmoooyinka gobolkaasi, isla mar ahaantaana loo abaabuli lahaa gurmad ballaadhan oo lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada, intaanay xaaladdu sii xumaanin.Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la kulmay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi

Waxaana ay odayaashu ay ku baaqeen in dawladda dhexe ay qaadato doorkooda ku aaddan sidii loogu gurman lahaa bulshada xoolo raacatada ah ee wajahay biyo la’aanta iyo abaarta, oo ay sheegeen in gobolka oo dhan ay ka wada jirto.Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la kulmay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi

Badhosaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa sheegay in roobkii ka di’i jiray xeebaha ee xayska loo yaqaanno aanu di’in jiilaalkan, taasoo keentay inay hungoobaan dadkii soo guurtada ah ee u guuray xeebaha, isla mar ahaantaana ay abaarta keenay roobka xayska ah ee baaqday, oo uu sheegay in dadku ay ku badbaadi jireen xilligan oo kale.

Badhosaabku waxa uu ku baaqay in la garab istaago bulshada reer miyiga ah ee Somalialnd, oo uu sheegay inay wajahayaan xaalad qalafsan oo u baahan in la garab istaago.

Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la kulmay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi

fariin noogu reeb