xarunta maamulka gobolka Gabiley waxa joog joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolkaas Cali Cabdilaahi (Cali Case)Â iyo maamulka degmooyinkaas kulanku u furay iyo xogyeyaasha dawladaha hoose ee degmooyinkaas.
Qaar ka mida xubnihii kulankaas ka qayb qaadanaayay ayaa soo dhaweeyay kulankaas ku saabsan kor u qaadida dakhliga ee uu u furay maamulka gobolka Gabiley, waxaanay ballan qaadeen in mudada uu socdo ay ka faa’iidaysan doonaan casharada ay ku qaadan doonaan.
Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Gabiley Cabdikariina ADAN xAAJI Diiriye ayaa sheegay ujeedada kulanakaasi tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliuga ay soo xareeyaan degmooyinkaas, maadaama dhaqaaluhu muhiim u yahay horumarinta adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin bulshada ku nool degmooyinkaas, waxaanuu u soo jeediyay in ay shaqooyinkooda ku dabaqaan sharada ay kulankaas ka korodhsadaan.