Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaaya in la bilaabay shaqaalihii cusbaa ee gegida diyaaradaha ee Berbera.
Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ku saabsan shaqaalihi cusbaa ee loo qaadanayay madaarka caalamiga ah ee Berbera, isagoo sheegay in warar ku tiri ku teen ah ay faafiyeen qaar ka mid ah shabakadaha Internetku, waxaana tilmaamay in aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda isla markaana weli la sugayo shaqaalaha cusub ee loo qaadanayo gegida diyaaradaha ee Berbera.
Dhanka kale, waxa uu sheegay guddoomiyuhu in aanay jirin wax iska baddalay go’aankii ahaa in lasoo xayaysiiyo shaqaalaha cusub ee madaarka Berbera, isagoo ugu baaqay dhallinyarada inay sugaan inta la soo xayaysiinayo shaqada cusub ee madaarka. Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in shabakadaha internetku ay ka taxaddaraan waxay qorayaan isagoo xusay in sharciga la horkeeni doono dadka fidinaya wararka ku tiri ku teenka ah ee bulshada qaska gelinaya.