Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr Jonathan Doernhofer oo ah madaxa hay’adda IRI (International Republican Institue).

0
Hay’adda IRI oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa dalalka ka taageerta taabba galinta dimuqraaddiyadda iyo xorriyatul qawlka.
Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo Madaxa IRI ayaa ka wada hadlay sidii Golaha looga gacan siin lahaa horu-socodsiinta dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday iyo dhawrtista xorriyadda hadalka waxaanu kulanku ku dhammaaday is fahan wada shaqayneed.
Kulanka waxa kale oo goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) iyo Mudaneyaal ka tirsan Golaha.May be an image of 3 people and people standing

fariin noogu reeb