Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay weheliyaan garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Sharmaake Yuusuf Faarax agaasimaha Maxkamadaha guur-guura iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta shir-hawleed ay ka soo qayb galeen 25 xubnood oo iskugu jira guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Maxkamadaha gobolada, maxkamadaha gobol-degmooyinka iyo garsoorayaasha Maxkamadaha gobolada kala duwan ee dalka uga furay magaalada Hargeysa.
Shir-hawleedka oo ay ujaadadiisu ahayd sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacwadaha ka iman kara doorashooyinka dalka ku soo fool leh ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada, ayaa ugu horayn waxa warbixin kooban xubnaha ka soo qayb galay tababarka ka siiyay, garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxaanu sheegay in labada cisho ee uu tababarku socdo ay xubnaha ka soo qayb galay kaga doodi doonaan xeerka doorashooyinka gaar ahaan qodobada la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashada iyo sidii maxkamaduhu faham buuxa uga qaadan lahaayeen dacwadaha ka yimaada doorashooyinka oo ka xasaasi san dacwadaha kale, wakhti ahaana ka kooban.