Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magiciisa iyo ka dhammaan hay’adda garsoorka JSL, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland munaasibada maalinta xoriyadda ee 26-ka juun awgeed, taasi oo ku beegan maalinta bari ah. Maalintan 26-ka juun ee qiimaha badan ugu suntan shacbi weynaha Somaliland, waa dharraartii qaranku xoriyadiisa ka qaatay maxmiyadii Ingiriiska ee dalka haysatay, taasi oo ay ka soo wareegtay 61 sanno xiligii waddanku ka xoroobay xukunkiisa iyo joogitaanka carradeena.
Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga Somaliland Alle uga baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo wadajir, wax-wada-qabsi, horumar, nabad iyo barwaaqo joogto ah.
Allaa mahad leh.