Guddoomiyaha Gobolka Sool C/qani Maxamud Jiidhe oo ay weheliyaan Masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay Taliska ciidamada Birmadka ee gobolka Sool.
Taliskan oo ay dhismihiisa maalgelinayso xukuumadda Somaliland waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Maayirka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool Axmed C/laahi Cabdi, waxanay ugu horayn u mahadnaqeen muwaadin lagu magacaabo Maxamud Sancad, oo dhulka laga dhisaayo taliskaasi bixiyay iyo xukuumada Somaliland iyaga oo sheegay in xaruntani wax weyn ka tari doonto adeegyada dhanka amaanka ee gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Sool C/qani Maxamud Jiidhe, oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Xukuumada Somaliland iyo muwaadinka ku deeqay dhulkaasi isaga oo ganacsatada gobolka ku dhiiri geliyay in ay ku deeqaan dhulka laga hirgelinaayo mashaariicada danta guud.
Geesta kale Guddoomiye C/qani Maxamud Jiidhe, oo warbaahinta kula hadlay xafiiiskiisa ayaa ka hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay isaga oo bogaadiyay sida dimuqraadiyada ah ee ay muwadiniintu ugu tartameen doorashadaasi