Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool oo kormeeray Kastam cusub oo laga hirgelinaayo deegaanka Ganbadha

0

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool iyo Maayirka Laascaanood oo ay weheliyaan Saraakiil kala duwan iyo agaasimaha waaxda Kastamyada ee wasaaradda Maaliyada ayaa kormeeray Kastam cusub oo laga hirgelinaayo deegaanka Ganbadha ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha deegaanka Ganbadha Hurre Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in dhulka ay ku wareejiyeen wasaaradda horumarinta Maaliyada ee Somaliland, Kastamka cusubina uu wax weyn ku soo kordhinaayo deegaanka.

C/casiis Xuseen Taarwale, Maayirka magaalada Laascaanood, oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in dhismaha xarumaha dawladdu ay horumar u soo kordhinayaan deegaanada bariga waxaanu sheegay degaankaasi ilaashadaan xarumaha dawladda ee halkaasi laga yagleelaayo.

Agaasimaha Waaxda Kastamyada ee Wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland Maxamed Nuur Maxamud, ayaa sheegay in dhulka laga hirgelinaayo Kastamka cusub uu yahay mid istaraatiiji ah iyada oo loogu adeegi doono bulshada gobolka iyada oo lagu cashuuri doono shixnadaha u kala gooshaaya Somaliland iyo Somaliya.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool, Axmed C/laahi Cabdi, waxa uu bulshada deegaanka Ganbadha ku amaanay sida ay ugala shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada waxaanu sheegay in aanu wax horumar ah helaynin deegaanada aan ka shaqaynin nabada iyo xasiloonida bulshadooda.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye Joof, oo halkaasi ka hadlaya ayaa wasaaradda Maaliyadda ku amaanay hirgelinta Kastamka iyo soo uruurinta cashuuraha isaga oo bulshadana ugu baaqay in ay noqdaan cashuur bixiyeyaal si ay u helaan horumar.

fariin noogu reeb