Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo shacabka ugu baaqay ninkii shalay ay doorteen ee xilkiisa ka soo bixi waayey gacantooda ay ku badalaan
Gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa Magaalada Gebiley kala qaybgalay isku soo bax ballaadhan oo Taageerayaasha Xisbiga Waddani kusoo bandhigayeen cuddooda iyo taageerada ay u hayaan Musharaxiinta Xisbiga uga sharaxan Goleyaasha Wakiilada Gobolka Maroodi jeex iyo Deegaanka Degmada Gebiley.
Gudoomiyaha xisbiga oo kala qayb galay taageerayaal tiro badan maalintii koowaad ee ololaha Xisbiga iskugu soo baxay magaalada Gabiley.
Ugu heyen waxa shacabka la hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani “Waxan iidiin soo xulay musharaxiin xul ah haday yihiin goolaha deegaanka Gabiley , Hargeysa , Salaxlay , Balay gubadle iyo goolaha baarlamaanka, raga aan soo xulnay wax aka mida ragii jaamacadaha madaxda ka ahaa oo uu ka midyahay dhiinka waxbarasha jaamacada Gabiley .
Doorashooyinku qiimo badan ayey inoogu fadhiyaan macanaha doorasha looga jeedana in aynu fahano ayaa fiican , doorasha waxa looga jeedaa fursad la siinayo shacabka shacabka ayaa talada iyo go’aanka gacantooda lagu soo celinayaa markaa waa fursad qaaliya.
Shacabka waxa fursad loo siinayaa ninkii shalay ay doorteen ee xilkiisa ka soo bixi waayey ee qayro masuulka noqday ee wax mataraha noqday ee musuq maasuqa wada in ay codkooda iyo gacantooda ku badalaan , kuna doortaan mid ay ku kalsoonyihiin in waxyaabaha badan ee ay tabayaan ee horumar la’aanta ah wax ka qabtan karaan, haday tahay jidadka , waxbarashada , caafimaadka iyo araimaha bulshada .
Kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa rag iyo dumar ba musharaxinta aan u soo sharaxnay dhamaan gobolada jamhuuryada Somaliland in ay xilkaa ka soo bixi karaan, waliba waxaan hubaa raga iyo dumarka aan u soo xulnay gabiley in ay qiimo badan leeyihiin.