Buuraha dhaadheer ee dalka Asarbajaan waxa ku taalla tuulo ay dadka halkaasi degan dhib ku noqotay inay helaan qalabka dhismaha sida sibidhka. Dadkan ayaa wakhtigaasi door biday inay gurayahooda ka dhisaan saaladda lo’da ay dhaqdaan. Arinkan ayaa ah waxa keliya ee ay samayn karaan si ay u helaan guryo ay u hoydaan.
Dhamaan guryaha magaaladan ayaa qaabkaasi u dhisan, waxaana jooga farsamo yaqaan aad ugu xeel dheer sida guryo qurux badan oo haddana jaban looga dhiso saalada lo’da. Waxa kale oo ay sameeyaan inay kaydsadaan saaladaasi si ay mustaqbalka u isticmaalan