Guushu sugid kuma timaado doonid ayay ku timaadaa. Waligaa ha sugine ee u dhaqaaq dhinaceeda
Mar kasta oo carqaladaha ka hor imanayaa bataan waa markasta oo waayo araganimadaada iyo awoodaadu ay badanayso.
Furaha guuldaradu waa adigoo isku dayaya inaad qof kasta raali kaa noqdo.
Markaad faraxsanatahay ha balan qaadin, markaad cadhaysan tahay ha jawaabin, markaad murugaysan tahay go’aan ha qaadan.
Deegaanka aad ku nooshahay haka uga tegin dhibaato taal, isku day inaad xalisho, waayo halka aad tagaysan dhibaato kale ayaad ugu tegaysaa laga yaaba tii aad ka timi inay ka weynaato.
Naftaada u sheeg inaad wax qabsan karayso, laakiin waa inaad taqaan waxaad qabsanayso, hadafka aad leedahay dariiqa ugu dhow iyo wakhti cayiman inaad u samayso.