hab ka ugu fudud ee heli karo goobaha macdanta iyo dahabka
Xogside – Daraasad cilmi baadhis ah oo ay ka sameeyeen aqoonyahano ka tirsan Ururka Common wealth ee dalka Austareliya ayaa cadaysay in qudhaanjada cadcadi ay dadka ku hagi karto goobaha laga helo dahabka iyo macadanaha kale ee qaaliga ah.
Warbixin lagu qoray wargeyska Science Daily ayaa lagu cadeeyay in qudhaanjada godadkeeda laga helay dahab iyo goobo kale oo u dhow.
Dr.Aron Stewart oo ka tirsan cilmi baadhayaasha common wealth ee dhinaca sayniska iyo wershadaha ayaa sheegay inay cayayaankaasi yar u isticmaaleen inay ku soo ururiyaan dahabka iyo macadano kale . Taasi oo fudaydisay macadano ay adag tahay in si fudud lagu helo. Goobaha ay ku badan tahay Qudhaanjada noocan ah ayaa astaan u ah macdan iyo dahab badani inuu ku jiro.