Haddaba Yaa Fadhiisin Doona Dayuuradda?
Markii uu go’aansaday inuu noqdo duuliye Dayuuradeed (Pilot) wuxu soo iibsaday Buug (kitaab) cinwaankiisu ahaa : Isbar sida Dayuurad loo duuliye Macalin la’aan. . Wuxu bilaabay inuu akhristo ilaa uu gaadhay inuu si fiican u barto habka loo duuliyo.
Maalintaasi uu ku qancay ayuu tegay xarunta dayuuradaha lagu kireeyo waxaana uu ka kiraystay dayuurad markii uu imtixaankii ay ka qaadeen gudbay.
Markii uu koray dayuuradii buugiisa ayuu si fiican ula soo baxay oo raacay talabooyinkiisa ilaa ay dayuuradii hawada gashay , si wanaagsan ayu ugu raxaaystay aadna wuu ugu qancay faa’idada uu ka helay buugga.Haddaba Yaa Fadhiisin Doona Dayuuradda?
Markii ay ka dhamaatay mudadii uu hawada ku jira lahaa ayuu isku deyay inuu soo fadhiisiyo dayuuradii, buugiisa ayuu la soo kala baxay oo xaashi u raaacay ilaa uu gaadhay xaashidii ugu danbaysay.
Nasiib daro waxa ku qoraa xaashidan casharka soo fadhiisintu waa Buugga labaad bilawgiisa. Markaasi ayuu ku dhowaaqay odhaahda ah “ Duuliye, haddaba yaa fadhiisinaya “? . Isku day arrin kasta inaad si dhamaystiran u qabto si aad halis uga badbaado.