Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ee la soo doortay, ayaa maanta duqa Magaalada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge, halka ku xigeenkiisana loo doortay Khadar Axmed Cumar (Khadar-Nuur).
Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub ee caasimaddu, waxay noqonayaan Golihii saddexaad ee ummmadu soo doorto ee Goleyaasha Deegaanka dalka, tan iyo 15kii December 2002dii oo ahayd xilligii ay doorashadii ugu horreysay ee Golayaasha deegaanku ka qabsoontay Jamhuuriyadda Somalland.
Maayirka Hargeysa