Widh Widh XOGSIDE:-Haween Weynaha ku nool degmada Widh Widh ee gobolka Buuhoodle ayaa maanta kulan ay yeesheen taageero balaadhan ugu muujiyey xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Kulankan ay isugu yimaadeen Haween weynaha degmada Widh Widh ee gobolka Buuhoodle ayaa sidoo kale taageero balaadhan u muujiyey Maayirka Buuhoodle Khadiija
Axmed Aadan, iyaga oo ku taageeray wax qabadyada dhinacyadda horumarka ah ee ay ka waddo degmooyinka kala duwan ee gobolka Buuhoodle.
Haweenkan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay taageero balaadhan la garab taagan yihiin xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE, waxaanay balan qaadeen in ay la shaqayn doonaan, isla markaana ay garab istaagi doonaan Xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo maayirka Degmada Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan.
Waxa iyaduna halkaas ka hadashay maayirka degmada Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, waxaanay balan qaaday in ay ka shaqayn doonto horumarka degmooyinka gobolka Buuhoodle,iyada oo uga mahadcelisay haween weynaha degmada Widh Widh taageerada balaadhan ee ay la garab taagan yihiin.
Haween Weynaha Degmada Widh Widh ee Gobolka Buuhoodle oo Taageero u Muujiyey Xukuumadda Somaliland