hayadda Direct Aid oo kaashanaysa wasaaradda shaqo gelinta soomaliland oo deeq sharaashin ah gaadhsiisay qoysas dan-yar ah.
Hargeysa (Xogside) –qoysas dan yarta ah oo ku dhaqan deegaanka Gabiley  oo deeq raashinka la gaadhiiyay ayaa tiradoodu dhamayd boqol qoys, oo ka mida dadka baahan ee ku nool degmadaas.
Qaybinta raashinkaasna waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo xubno ku hadlaayay magaca hay’adda direct Aid, waxaanay xuseen in qoysaskaasi yihiin kuwo laga soo dhex xulay dan yarta degmadaas ku nool.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali Case) ayaa sheegay in ay jiraan qoysas kale oo dan yar ah oo iyana u baahan in deeqahaas oo kale la gaadhsiiyo, waxaanuu u mahadceliyay wasaaradda shaqo gelinta iyo hay’adda Direct Aid ee deeqdaas soo gaadhsiiyay dadkaas danyarta ah.
Ugu dambayn qaar ka mid dadkii danyarta ahaa ee deeqdaas raashinka ah la gaadhsiiyay ayaa u mahad-naqay cidkasta oo kaalin ka qaadatay in raashinkaas loo qaybiyo, waxaanay xuseen in raashinkaas yahay mid ay u baahnaayeen bishan barakaysan ee Ramadaan.