Hay’adda Shaqaalada Dawlada Oo Sheegtay In Shaqaalaha Dawlada Ay Fasax Noqon Doonaan Xuska 18 May

0

Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa sheegtay in shaqaalaha dawladu ay shaqooyinka fasax ka noqon doonaan maalmaha Salaasada iyo Arbacada munaasibada xuska 18 May awgeed.

guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Farxaan Aadan Haybe oo ka duulaaya sharciga shaqaalaha dawladda, qodobka 34aad uu dhammaan masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawliga ah ku wargelinaayo in shaqaalaha Dawladdu shaqada fasax ka yihiin maalinta Salaasadda iyo Arbacadda ee bishu tahay  18-ka iyo 19-ka May 2021, oo ah xuska sanad guuradda 30″ ee 2021 oo ah la soo noqoshadda gooni isu taaga JSL.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu halkan uga hambalyaynayaa dhammaan shaqaalaha Dawladda, xaasaskooda iyo caruurtooda munaasibada fasaxa sanad guuradda 30 ee 18 May 2021 awgeed, waxaan u rajaynayaa in aynu ku gaadhno bishan bisheeda bash-bash, badhaadhe iyo nabadgalyo iyo ictiraaf JSL ka hesho beesha caalamka, haduu Eebbe raali ka noqdo.

Warkan ka soo baxay hay’adda shaqaalaha dawlada, waxa kale oo lagu in shaqaalaha dawladu ay shaqooyinka dib ugu soo noqon doonaan maalinta Khamista ah ee bishu tahay 20/05/2021

fariin noogu reeb