Kormeerkan ayaa waxa hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda,Maxamed Geedi Caynaanshe oo ay weheliyaan Madaxa Mashruuca Tayaynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha Dawladda ee Somaliland uu ka taageero Baanka Aduunku,Cabdi Aaddan Diiriye,Agaasimaha Waaxda Maaraynta Hawl-qabadka iyo Qiimaynta Shaqaalaha Dawladda HSHD,ahna Madaxa Shaqaalaha TMP’s-ka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda,Salebaan Maygaag Obsiiye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Kormeerkan oo ahaa mid guud oo ay Hay’addu ku marayso Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee loo qaatay shaqaalaha Xirfadaha gaarka ah ee loo yaqaano TMP’s-ka ayaa waxa ujeedadiisa guud ahayd;
ü In lagu ogaado waxyaabaha ay shaqaalahaas Gaarka ahi kusoo kordhiyeen Wasaaradihii iyo Hay’adihii lagu qoray iyo tayadda Hawl-qabad ee ay fuliyeen,iyada oo laga dheeganayo qorshe-sannadeedkii u dejisnaa sannadkan 2021-ka.
ü Iyo kor-u-qaadista heerka wada-shaqayneed Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,Wasaaradaha iyo shaqaalaha Xirfadaha gaarka ah leh ee TMP’s-ka
Komreerka ayaa waxa Masuuliyiinta Hay’addu kusoo mareen Wasaaradaha kala ah;
1) Wasaaradda Ganacsiga,Dalxiiska iyo Warshadaha
2) Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
3) Iyo Wasaaradda Shaqo-galinta iyo arrimaha Bulshadda.