Hayadda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Siyaasadda Mushahar Bixinta Iyo Qaabaynta Darajooyinka

0

Hargeysa (XOGSIDE) – Hayadda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland ayaa maanta daah-furtay samaynta siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka shaqaalaha dawladda.Hayadda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Siyaasadda Mushahar Bixinta Iyo Qaabaynta Darajooyinka

Munaasibadda daahfurka ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Shaqo Gelinta, Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha, Wasiir ku Xigeenka Horumarinta Maaliyadda, Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha dawladda  Khaalid Jaamac Qodax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bilowga hawshan isla markaana ay Hayadda Shaqaaluhu muddo ka shaqaynaysay sidii halkan loo soo gaadhi lahaa. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in wax laga beddelo isla markaana loo sameeyo siyaasad hagaysa qaabaynta darajooyinka shaqaalaha, iyadoo loo eegayo aqoontooda iyo khibraddooda labadaba. Hayadda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Siyaasadda Mushahar Bixinta Iyo Qaabaynta Darajooyinka

Wasiirka Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in bilowga hawshani ay Somaliland guul wayn u tahay isla markaana ay qiimo wayn ugu fadhido shaqaalaha dawladda. Wasiirku waxa uu sheegay in aanay shaqaaluhu isku mid ah ahayn dhanka aqoonta iyo khibradda loona baahnaa in la helo siyaasad hagta sidii ay u heli lahaayeen caddaalad, isla markaana qof weliba u helo darajada iyo mushaharaka uu mutaysatay.Hayadda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Siyaasadda Mushahar Bixinta Iyo Qaabaynta Darajooyinka

Waxa sidoo kele kulanka ka hadlay masuuliyiin kele oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dawladda, Guddoomiyaha Waddooyinka, Guddoomiyaha Maamul Wanaagga iyo masuuliyiin kele. Waxa kele oo hadallo koob-kooban iyaguna ka jeediyay qaar ka tirsan masuuliyiinta shirkadda hawshan fulinaysa iyo xubno kele.

Hayadda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Siyaasadda Mushahar Bixinta Iyo Qaabaynta Darajooyinka

Hayadda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Siyaasadda Mushahar Bixinta Iyo Qaabaynta Darajooyinka

fariin noogu reeb