Hayadda u diyaargarowga aafooyinka oo raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu hayso gobolka Daad madheedh | best 1

0
Hayadda u diyaargarowga aafooyinka oo raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu hayso gobolka Daad madheedh

Oodweyne (Xogside)  Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka ayaa raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu waxyeelaysay ee ku sugan degmooyinka gobolka Daadmadheedh.Hayadda u diyaargarowga aafooyinka oo raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu hayso gobolka Daad madheedh

Isu duwaha Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka ee gobolka Daadmadheedh, Saleebaan Maxamed Cabdilaahi iyo Siciid Cabdi Gaboobe oo ka tirsan madaxda sare ee hay’adda u diyaargarawga aafooyinka ee Somaliland, ayaa sheegay in raashinkaasi loo qaybiyay qoysaskii u baahnaa ee ku tabaaloobay abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta deegaannadaasi.Hayadda u diyaargarowga aafooyinka oo raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu hayso gobolka Daad madheedh

Waxaana ay u mahadceliyeen cidkasta oo ka qayb qaadatay sidii ay deeqdaasi u gaadhi lahayd qoysaska danyarta ah ee ay waxyeelaysay abaartu, isagoo xusay inuu sii socon doono gurmadka loo fidinayo dadka abaaraysan.

Geesta kale, qaar ka mid ah bulshadii la gaadhsiiyay deeqdaasi oo hadashay ayaa tilmaamay inay u mahacelinayaan haya’dda u diyaargarawga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka ee Somaliland, iyagoo xusay in abaar iyo baad la’aani ay ka jirto dhulka, isla mar ahaantaana dadka iyo duunyadu ay khatar ugu jiraan xaaladda hadda taagan.Hayadda u diyaargarowga aafooyinka oo raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu hayso gobolka Daad madheedh

Hayadda u diyaargarowga aafooyinka oo raashin u qaybisay qaar ka mid ah dadka ay abaartu hayso gobolka Daad madheedh

fariin noogu reeb