Hindiya Oo Wajahday Xaalad Oxygen Yaraan iyo Xiisada Covid 19 Oo Sare U Sii Kordhaysa.
Hindiya ayaa laga helay kiisada covid 19 ugu badan marka la barbar dhigo dalalka caalamka kale oo dhan iyo tirada dhimashadii ugu badnayd ee 24 sacadood ee ugu dambeeyey.
16 million oo kiis oo laga xaqiijiyey ayaa mar kale lagu xidhay maraykanka.
Wadanku waxa uu halgan kula jiraa marxalad kale oo laga cabsi caqo in uu sii kordho, maamulka daryeelka caafimaad ka ayaa aad u cabsi qaba.
Dad badan ayaa horjiiga cusbitaalada magaalooyinka waaweyn oo ay ka buux sameen , qaar badan oo ka mida ayaa ku hor dhimanaya in ta ay sugayaan oxtgen-ta.
Faamaliyo badan ayaa saacado badan sugaya si loogu filiyo aaska. Goobaha loogu talagay oo buuxa dharteed.
Halka dalalka qaar ay soo saarayaan sharciyo xakamaynaya u socdaalida hindiya iyagoo ka cabsi qaba xaalada covid 19 ku sii badanaya dalkaas.
raysal wasaaraha Australia’s Scott Morrison ayaa sheegay duulimaadyada hindiya ay joojiyeen halka uk ay dadka hindiya ka yimaada ay ku dartay liiska galaya huteelo lagu kariintameeyo laga bilaabo manta oo jimce ah.
Maxaa Ku Dhacay Cusbitaalada Hindiya?
Hindiya ayaa halgan adag ugu jirta samo bixinta tirada sii kordhaysa waaxana laga soo sheegayaa 314,835 kiis oo cusub oo coronavirus 24 sacadood ee ugu dambeeyey , halka dhimashaduna tahay 2,104.
Kaydka oxygen waa ka qayb dhibaatada cusbitaalada qaar ka mid ah caasimada Delhi oo in ay si fiican u shaqeeyaan ay u dambaysay khamiistii magaalada caasimada ah sida uu sheegay wasiir ku xigeenka caafimaadka, Manish Sisodia.
Dhanka kale siyaasi Saurabh Bharadwaj ayaa sheegay in cusbitaalada qaar ay adagtay oo ay khatar ugu jiraan in ay helaan aqabka ay ku shaqayn lahaayeen oo ay ku jraan daawooyinku.
Mid kamida goolaha sharci dejinta Delhi Mr Bharadwaj ayaa ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twiter in sariiraha cusbitaalkiisa sadex saacadood ay yihiin bilaa oxygen.
“dad badan ayaa ku xidhan oxygen-ta la’aanteedna dadkaasi waxay u dhimanayaan sida kaluunka marka biyaha laga soo saaro,” mar uu waraysi siiyey channelka NDTV.
“ wakhtigan oo kale waxa loo baahan yahay in dadku siwada jira u shaqeeyaan”
Xiisadan ayey ka shaqeysay maxkamada ugu sareysa magaalada Delhi maalintii Arbacada, halkaasoo garsoorayaashu ay si cad ugu dhaliileen dowlada dhexe sida ay ula tacaashay dhibaatada oxgyen-ta ee magaalada.
“Tani waa wax lagu qoslo. Waxaan dooneynaa inaan ogaanno waxa ay xaruntu la qabaneyso qiiqa oxygen ee Hindiya oo dhan,” garsoorayaashu waxay yiraahdeen iyagoo akhrinaya xukunka codsi ka yimid milkiilaha lix cusbitaal oo gaar loo leeyahay.
Maalintii Khamiista, iyadoo cusbitaalada ay ka digeen in kaydka si dhaqso ah u sii yaraanayo, Ra’iisul Wasaaraha Narendra Modi wuxuu qabtay kulan lagu isku dayayo in lagu soo afjaro dhibaatada. Wuxuu ka codsaday saraakiisha inay raadsadaan qaabab ay u soo saaraan oxgyen badan, halka ay dowlada u sheegayaan inay si xoog leh isku dejiyaan cid kastana heli doonto haydka oxygenta.