Isku dey Waad Guulaysane! | best 1

0

Isku dey Waad Guulaysane!

Xogside – Caalimka Cilmiga sarfiga ee luqada Carbeed oo lagu magacaabi jiray Kisaa’i ayaa markii uu ku jiray barashada cilmigan sarfiga (morphology) aad iyo aad ayuu ugu adkaaday, waxaana uu go’aansaday inuu iskaga hadho oo uga wareego cilmiyada kale.isku day waad guulaysane

Haddaba isagoo maalin socod ku jira ayuu arkay qudhaanjo shay culus sidata oo la koraysa gidaar dheer, oo kolba soo dhacaysa marka ay meel dhexe gaadho, haddana dib u qaadaysa oo la koraysa. Sidii ay u daala dhacaysay markii danbe ay ku guulaystay in midhihii ay sidatay la fuusho gidaarkii dheera.isku day waad guulaysane

Fashilku Waa Cashar Muhiim Ah

Imaam Kasaa’i wuu eegayay intii ay qudhaanjadu dadaalka ku jirtay. Halkaasi ayuu ka qaatay casharka ah in aanay jirin wax adagi laakiin uu jiro dadaal yari.isku day waad guulaysane

Maalinkii wixii ka danbeeyay dadaalkii cilmigaasi ayuu galay ilaa maanta uu ka mid yahay culimada cilmigan loogu noqdo, waxaana uu leeyahay dariiqooyin cilmigan ah oo uu isugu alifay una gaar ah mad-hab cilmigan ah oo u gaar ah. Haddaba dadaalka iyo go’aanka adag oo Allah lala kaashado ayaa ah muftaaxa guusha , itaalkaagu haba noqdo mid qudhaanjo la mide

Isku dey Waad Guulaysane!

fariin noogu reeb