Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka | best 1

0

Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Xogside – Cilmi-baadhis uu sameeyey dugsiga Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard ee dlaka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in quudashada cuntooyinka midhaha ah, sida Hadhuudhka (Garawga), Qamadida iyo Arabakhida ay ka hortagaan khatarta xanuunnada Kansarka, Wadno-xannuunka, Macaanka iyo xannuunada dheef mareenka ku dhaca.Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Cuntooyinka isha leh (Fibres) waxay ku jira nafaqo, macdano iyo Antioxidants, waxaannay khubarada baadhay sheegtay in haddii qofku cuno 34g maalintii, gaar ahaan haweenka in ay awood u healayaan in uu 17% ka badbadaan khatarta in u badkoodu ay uurka ku dhintaan. Iyada oo la barbardhigay dadka iyagu quuta 3.9 g oo cuntadan ah oo aan awoodooda difaaca cudurradu wanaagsanayn.Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Cilmi-badhayaashu waxa kale oo ay sheegeen in daraasadoodu muujisay in dadka cuntadan cuna ay 11% ka badbadaan xannuunada dheef mareennada ku dhaca, halka 48% aanu ku dhicin xannuunka macaanku.Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Dhinaca kale, quudashada cuntadan Hadhuudhka ah ama isha leh waxay hoos u dhigtaa 15 ama 34% khatarta Kansarka iyo Wadno-xannuunka, iyadoo daraasadan lagu daabacay Jariirada BMC Medicine soo jeedisay in cunista cuntooyinka Hadhuudhka (Cereals) iyo kuwa isha (Fibres) lehba ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u tiro badan.Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Khubaradu waxay rumaysan yihiin in cuntooyinka hadhuudhka leh iyo kuwa seedka dhirta laga helaa ay leeyihiin walxo ka hortaga caabuqa iyo waxyaabaha xannuunada keena.Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

“Cilmi-baadhistayadu waxay muujisay in quudashada cuntooyinka siidhka laga helo iyo kuwa Hadhuudhka ah ay hoos u dhigaan khatarta xannuunada keena dhimashada sida Kansarka, Wadno-xannuunka, Macaanka iyo xannuunada ku dhaca dheef-mareenka,” ayuu yidhi Dr. Lu Qi.Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

Dadka cilmi-baadhistan laga qaaday oo 500,000 qof oo da’doodu ka sarraysay 50 sanno jir, waxay u kala dhasheen gobollada California, Florida, Louisiana, New Jersey, North Carolina and Pennsylvania, iyo goobaha isku dhafanta ah ee Georgia iyo Detroit, waxaana badankooda la daba socday muddo 14 sanno ah oo cilmi-baadhistan ay qayb ka ahaayeen.

Isticmaalka Cuntada Midhaha ah oo Hoos u dhigta Khatarta Cudurrada Kansarka iyo Wadno-xanuunka

fariin noogu reeb