Cabdixakiin Maxmed Ismaaciil isuduwaha wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ee gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in kormeerkaas la xidhiidha sidii beeraleyda loogu wacy’gelin lahaa halista ka dhalan karta Ayaxa ayuu sheegay inuu ku soo maray degaanada Toon, Habaasweyn, Sharmaake, Dhaboolaq, Cuna-qabad, Aburiin iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, waxaanuu intaas ku daray in bulsahda beeraleyda ah ee degaanadaas ku nooli soo dhaweeyeen, isla markaana ay qaateen fariimihii ay u gudbiyeen.
Ugu dambayn isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Maroodi-jeex waxa kale oo dadka beerleyda ah ee degaanadaasi u sheegay in wasaaraddu diyaar u tahay inay gurmad ka gasho meel kasto oo laga soo dheego dhibaatada Ayaxa, iyadoo ay ka hawl-gali doonaan hawl-wadeeno wasaaradda ka tirsan oo u tabobaran la dagaalanka Ayaxa, isla markaana adeegsanaaya diyaarado iyo gaadiid u gaar ah la dagaalanka Ayaxa, se loo baahan yahay in dadka beeraleyda ahi intii itaalkood ah ay la tacaalaan Ayaxaas inta uu ka soo gaadhaayo gurmadka wasaaradda beeruhu.