Kacdoonkii Yaabka Badnaa

0

Sanadkii 1947 markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida waxa kor u kacay qiimaha shaglaydhka qiyaas dhan 60%, waxaana uu gaadhay  kartoonka yari 8 senti. Arinkaasi aya keenay in caruurtu aad u cadhooto oo ay mudaharaad sameeyaan  iyagoo ku dhawaaqayay joojiya sicir bararka.

Caruurta ayaa isagu yimi xarunta degmada Ladysmith. Warkaasi ayaa markii danbe Kanada ku baahay taasi oo keentay in iibka shaglaydhku uu hoos ugu dhaco si xawli ah  taasioo keentay in shirkadda iibkeedu is dhimo 80% , waxaana ay ku khasabtay inay hoos u dhigto qiimaha shaglaydhka halkiisana ku celiso.

Kacdoonkan ayaa taarikhda ku galay inuu yahay kadooonadii ugu yaabka badana ee dunida ka dhacay mid ka mid ah.

fariin noogu reeb