Kamarad Lagu Ogaanayo Xaalada Ardaygu Ku Jiro Wakhtiga Kalaaska

0

Dugsi sare oo lagu magacaabo HangzhouII,  oo ku yaalla dalka Shiinaha ayaa marka 30 ilbidhiqsi la joogaba la baadhaa ardayga wejigiisa.

Arintan ayay ku sheegeen mamulayaasha dugsigu inay tahay si loola socdo xaaladda ardayga iyo inuu yahay mid iskii u mashquulsan oo werweraya, iyadoo haddii ay lulo qabato markiiba ay ka qaadaysaa sawir degdeg ah kamarada baadhistu.ka war haynta dareenka ardayga

Wargeyska “ Business Insider oo sheekadan daabcay ayaa sheegtay in dalka Shiinaha uu aad uga faafay kamaradaha wejiga qofka qabanaya ee mar kasta la soconaya xaaladaha uu samaynayo. Waxa kale oo qalabakan loo adeegsadaa dhinacyada maktabadaha oo halkii qofku uu aqoonsi kala soo bixi lahaa ay kamaradu si toos u garanaysa oo u ogolaanayso gelidda.

fariin noogu reeb