Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay la sheegay in a diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in dadka waxyeelada ka soo gaadhay ay haayeen isku qoys, islamarkaana kala ah Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in hooyada oo lagu magacaabi jiray, Sahra Aadan Warsame ay geeriyootay, halka ay dhaawacyo soo gaadheen shanta caruurta ah, kadib markii ay duqeyntu haleeshay qoyskaasi oo ka mid ahaa dadka deggan deegaanka Ceel-Cadde.
“Duqaynta ayaa lala beegsaday guryo ay dad shacabka ah deganyihiin hooyo ayaa ku dhimatay 5 caruur ahna waa la dhaawacay ciidanka Kenya ayaa ka dambeeya” ayuu u sheegay Radio Mustaqbal mid ka mid ah dadka deegaanka ee ku nool Ceel-Cade.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah caruurta ay soo gaadheen dhaawacyo halis ah, waxaana la geeyey goobaha caafimaadka ee gobolka.
Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Kenya ee ku aadan duqeyntaasi ay waxyeelada kasoo gaadhay dadka rayidka ah ee lagu eedeeyey ciidankeeda.
Duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca Soomaaliya ayaa waxaa inta badan khasaare uu kasoo gaaraa dadka shacabka ah ee ku dhaqaan deegaanada la bartilmaameedsado.