Khataraha Ka Imankarta Roobabka Fariinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland | best 1

0

Khataraha Ka Imankarta Roobabka Fariinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland

Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) madaxa Fayo dhawrka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa fariin ku saabsan fayo dhawrka u diray bulshada wakhtigan lagu jiro xili roobaadka.Khataraha Ka Imankarta Roobabka Fariinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland

Madaxa Fayodhawrka ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa sheegay in wakhigan lagu jiro xili roobaadkii waxaanu bulshada Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa.

Ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada isla markaana ay baneeyan melaha biyuhu ay maraan si aanay dhibaato ugu keenin bulshada, isaga oo intaasi ku daray in dadku aanay xashiishka raacin biyaha taas oo keeni karta khatar caafimaad oo loo baahanyahay in dadku ka foojignaadaan dadkana aanay dhibaato caafimaad u geysan.Khataraha Ka Imankarta Roobabka Fariinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland

Cabdiwahaab (Nakruuma) Madaxa Fayo dhawrka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, waxa uu sheegay wakhiga roobka ay khatar weyni ka jirto biraha laydhka xanbaara ee ay leeyihiin shirkadaha Korantada waxaanu ugu baaqay shirkadaha in ay ka warhayaan biraha jilicsan ee xiliga roobka dhici kara iyaga oo sababaaya khatar aad u weyn sidoo kalena ay jirtay xoolo ay dileen birahaasi laydhka qaada.Khataraha Ka Imankarta Roobabka Fariinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland

 

fariin noogu reeb