Xubno ka mida komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland, ayaa kormeer ay ugu kuur galayaan xaaladda xabsiga magaalada Laascaanood ku soo maray xabsigaas.
Gudoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee gobolka Sool ayaa Xasan Diiriye Xasan sheegay in masuuliyiintaas ka tirsan komishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland ee socdaalka ku yimi gobolka Sool ay warbixin ka siiyeen xaaladda xuquuqal iinkaasna ee gobolkaas, waxaanuu masuuliyiintaas uga mahadceliyay socdaalkan ay ugu xogogaal noqonayaan xaaladda xuqaadaha aadamaha ee gobolkaas iyo kormeerada ay ku mareen jeelka magaalada Laascaanood.
Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in xubnahaas ay warbixin ka xiiyeen xaaladda guud ee xasbiga magaalada Laascaanood Gaashaanle Maxamed Cabdilaahi Hawre ayaa sheegay in xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku xidhani fiican tahay, waxaanuu intaas raaciyay in masuuliyiintaas ka socota komishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland ay siyeen wixii warbixin ah ee ay uga baahnaayeen xasbisgaas.
Ugu dambayn Cumar Goodaad oo ka mida xubnaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee Somaliland ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta xabsiga way nee magaalada Laascaanood, waxaanuu xusay in nadaafadda xabsigaasi tahay mida wanaagsan, isla markaana arrimhii ay ku soo arkeen xabsisgaas komishanku ay warbixin ka soo saari doonaan, waxaanuu wasiir Maxamed Kaahin tilmaamay in haweenkii is sharaxay intii aan soo bixini ay meel fiiican soo gaadheen.