Koomishanka Oo Tabobar Hargeysa Uga Furmay Guddoomiyeyaasha Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka

0

Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa tababar uga furay Madaxda Heer-gobol iyo Heer-degmo ee Komishanka Doorashooyinka .

Tababar  lagu Baranayey kuna sahabsanaa habka iyo hanaanka  Maamulka Doorashooyinka Isku sidkan ee Goleyaasha degaanka Iyo Wakiilada Somaliland  ee Qorshaysan in ay  qabsoonto  31 May 2021, ay u gudan lahaayeen waajibaadka ka saraan hawsha doorashooyinkaas.

koomishanka doorashooyinka somaliland

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan komishanka doorashooyinka qaranka oo halkaas ka hadlay ayaa xubnaha tobobarkaas ka qayb-galaayay u soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan casharada ay ku qaadan doonaan, iyadoo madaxda heer-gobol iyo heer-degmo ee komishanka doorashooyinka ay kaalin muhiim ah kaga jiraan habsami u qabsoomida doorashooyinkaas.

Waxaana furitaanka taba-barkaasi joob-joog ka ahaa guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac.), waxaanuu guddoomiye Riyo Raac xubnahaas u soo jeediyay in ay aqoonta ay tobobarkaas ku qaateen ay ku dabaqaan shaqada ay ka qaban doonaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee doorashooyinka isku sidkan.

 

fariin noogu reeb