Koroshof Waan Baqday sidan Aad Adiguba Imika U Baqatay | best 1

0
Koroshof  Waan Baqday sidan Aad Adiguba Imika U Baqatay

Xogside – Nikita Khrushchev Wuxu ahaa hogaamiyihii Ruushka sanadadii 1953-1964, wakhtigii dagaalka qabow. Waxaana uu ahaa madaxweynihii xukunka la wareegay markii uu dhintay Istalin .

Khoroshof ayaa sanadkii 1956 Baarlamankiisa lagu magacaabo Duma khudbad ujeediyay. Wuxu ahaa shirkii 20aad ee xisbiga shuuciga ah,      Wuxu aad u cambaarerey denbiyadii u galay madaxweynihii ka horeeyay ee Istalin iyo dhibaatadii uu  shacbiga u geystay.Koroshof Waan Baqday sidan Aad Adiguba Imika U Baqatay

Markii uu dhameeyay hadalka waxa loo dhiibay waraaq usoo qoray mid ah xubnihii Baarlamanka ee shirka fadhiyay.  Waxaana ku taallay “ Maxaad hadalkaasi uga hor odhan weyday  Istalin, adigoo ka mid aha ragii ugu wayna xisbiga uguna dhowaa isaga.

Koroshof ayaa qoslay ka dibna wuxu codsaday in ninka warqada soo qoray is taago. Markii uu qofna istaagi wayay ayuu ku jawaabaay “ Waan baqday sidan aad adiguba hadda u baqatay.

Taliyihii Sirdoonka Sadam Wuxu Ka Tirsnaa Sirdoonka Ingriiska

Suxfiga Ingriiska ee Ron Suskind ayaa ku cadeeyay kitaabkiisa uu bixiyay Wadada Dunida

(The Way of the World) ee suuqa soo galay sanadkii 2008, in taliyihii sirdoonka Ciraaq wakhtigii Sadam Xuseen  uu ka tirsana sirdoonka Ingriiska M16  si joogto ahna u siin macluumaadka muddo badan ka hor weerarkii lagu qaaday Ciraaq.Koroshof Waan Baqday sidan Aad Adiguba Imika U Baqatay

Waxa kale oo suxufigu buugiisa ku cadeeyay in wasiirkii arimaha debeda ee Sadam Xuseen oo lagu magcaabi jiray Naji Sabri uu isaguna ahaa isha keliya ee CIA Maraykanku ka heli jirtay macluumaadka ay uga baahnayd nidaamka Sadam Xuseen.

Sadam Xuseen

Qoraaga Carabka ah ee C/Muxsin Qasim ayaa isna hore u cadeeyay in Taliyihiii  sirdoonka Sadam Xuseen uu ah nin ka tirsan sirdoonka Ingiriiska isla markaana ciidamada iyo hubkoodaba la socodsiin jiray sirdoonka M16.Koroshof Waan Baqday sidan Aad Adiguba Imika U Baqatay

Koroshof Waan Baqday sidan Aad Adiguba Imika U Baqatay

fariin noogu reeb