Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

0
Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

Xogside – Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ku fahmi waayay ama ku dhaliilaya. Dareenkaasi  yaanu kugu keenin dhibaato, maxaa yeelay maaha arrin khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaada  fahanto.Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan mar kasta, laakiin adigu samee arinka wanaagsan. Haddii aad guulaysatona, waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo been ah oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda. Si kastaba waa inaad guulaysataa.Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

 

Dadka runtii waxay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhallecaynayaan haddii aad iyaga caawiso. Laakiin mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan tahay.Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

Noloshu waxa kulamaan mushkulado, laakiin markaad werwerto waxa aad laban laabays mushkuladda. Waa inaad mushkuladda xal u raadisaa adigoo faraxsan. Dadka mushkuladda sameeya oo abuura laakiin haddana kuwa xalkeeda keena waa isla iyaga Aadamiga ah.Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

Ku Raaxayso Nolosha Wanaagsan

fariin noogu reeb