Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha dhibaatada ku ah haweenka oo uu ka mid yahay gudniinka gabdhuxu, waxaana kulankaas ka hadlay xubno ka mid ah daneeyeyaasha arrimaha daryeelka haweenka, waxaanay soo jeediyeen in laga fogaado wax kasta oo dhibaato ku ah haweenka.
Kulankaas waxa kale oo hadal ka jeediyay safiirka midawga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Niklos Farlanga iyo xubno kale oo ku hadlaayay afka hay’addaha caalamiga iyo kuwa wadaniga, waxaanay soo soo jeediyeen in loo baahan yahay iskaashi laga sameeyo wax ka qabashada arrimhaas.
Wasiirada wasaaradaha degaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Mustafe Godane Cali oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland taageerayso talaabooyinka wax lagaga qabanaayo arrimaha dhibaatada ku ah haweenka ee uu gudniinkuna ka mid yahay, waxaanay xubnaha kulankaasi u furmay u soo jeediyeen in ay lafo-guraan talooyinka arrimahaas wax lagaga qaban karo.