Kulan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay In Naafadu Doorashooyinka Ka Qayb Galaan | best 1

0

Kulan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay In Naafadu Doorashooyinka Ka Qayb Galaan

Kulankan  lagu lafo-guray sidii ay naafadu kaalintooda uga qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda ee goleyaasha degaanka iyo wakiillada oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa.Kulaan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay In Naafadu Doorashooyinka Ka Qayb Galaan

Masuuliyiinta dalada naafada qaranka ee SNDF ayaa madashaas ka sheegay sida loogu baahan yahay in naafadda gacan laga siiyo sidii naafadda taageero loo ga siin lahaa ka qayb-qaadashada doorashooyinka, kuwaaas oo ay ka mid tahay in ay helaan meelo gaar ah oo ka galaan goobaha cod-bixinta.

Geestoodana waxa iyana kulankaas hadalo ka jeediyay qaar ka mida naafadda Somaliland oo sharaxay sida ay muhiim u tahay in dadka naafadda ah ee leh hanka siyaasiga ahi ay uga qayb-gali lahaayeen doorashooyinka soo socda ee wakiillada iyo degaanka.Kulaan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay In Naafadu Doorashooyinka Ka Qayb Galaan

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wasaaradda uu agaasimaha guud ka yahay ay garab tagan tahay dhammaan naafadda Somaliland, kana war hayaan baahiyaha ku xeeran dadka naafadda ah.Kulan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay In Naafadu Doorashooyinka Ka Qayb Galaan

Agaasime Cabdirashiid Ibraahin wuxuu xusay in dadka naafada ahi yihiin cod bixiyeyaal tiradoodu aanay yarayn, isla markaana loo baahan yahay si murashixiinta tartamayaan dadka naafadda ah codkooda u helaan ay u ballan qaadaan taageerida iyo wax la qabashada dadka naafadda ah.Kulaan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay

Kulaan Lagu Qorfaynayey Mihiimada Ay Leedahay

 

fariin noogu reeb