laydhka oo shidan oo la seexdo waxay keeni kartaa dhibaato caafimaad

0

 

Wargeyska Current  Biology  ayaa soo bandhigay daraasad ay sameeyeen aqoonyahano Holand u dhashay kuwaasi oo cadeeyey  in laydhka oo habeenkii isagoo shidan aad seexataa ay keenayso dhibaatooyin caafimaad.

Waxayna daraasaddu soo bandhigtay xidhiidhka ka dhexeeya laydhka shidan ee lagu seexdo iyo cuduro badan oo kala duwan.

Waxa kale oo ay cilmi baadhayaashu sheegen in xataa maalintiina ay la mid tahay haddii aad seexanayso.

Warbixinta ayaa cadaysay in bakhtiinta laydhka  ay tahay arin lagama maarmaan ah oo xidhiidh la leh caafimaadka qofka.

Xaqiiqdan cilmiga ah ayaa dhowaan la ogaaday taasii oo muujisay in marka qofku hurdo iftiinka laydhka ee shidani waxyeelo u geysanayo maskaxda qofka.  Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis ku yidhi “ Haddii aad seexataan bakhtiiyi Faynuuska” Werin Abu-Da’Ud

fariin noogu reeb