Awsomlu waa tuulo ku taalla dhinaca koonfureed ee Turkiga, Muddo 9 sano magaaladan laguma qaban xaflad aroos, iyadoo magaaladan wakhtigaa dadka degan ay ka mid yihiin 25 dhalinyaro ah oo aan weli guursan.
Dhalinyaradan ayaa aad u xiisaynaysa inay guursadaan, laakiin hablihii magaalada degenaa ayaan doonayn guurkooda maxaa yeelay habluhu ma jecla inay tuuladan Miyiga ah ku sii noolaadaan. Mid kasta marka ay korto ayay iskaga tagtaa iyadoo u wareegta magaalooyinka waaweyn ee dalka, halkaasi oo ka casrisan.
Dhalinyaradaasi oo ay taageerayaan dadka xaasaska ah ee magaalada ayaa sameeyay mudahaarad ay arinkaasi ku muujinayaan si loo ogaado dhibtaada guurka la’aanta haysta. Madaxda tuuladan oo lagu magacaabo Mustafe Bashibilan ayaa xaqiiyay inay tuuladan hadda ku nool yihiin 233 qof oo 25 ka mid ahi ay yihiin dhalinyaro doobab ah kuwaasi oo da’doodu u dhaxayso 25-45. Madaxa tuulada ayaa intaasi ku daray in aan magalada aanay ka jirin dhibaato kale , iyadoo wakhtigii aroos lagu qabto ugu danbaysay ay ahayd muddo 9 sano ka hor ah.