Maalqabeenada Jecel Cimriga Dheer
Xogside – Ganacsadaha Maraykanka ee Dave Asprey waxa uu dhashay sanadkii 1972, waxa uu qoray shan buug, waana asaasaha shirkadda Bulletproof 360 oo ahayd mid shaaha samaysa.
Shaahan ayay bulshadu aad u iibsadaan iyagoo miisaanka iskaga ridayay. Waxaan la sheegay in sanadkii 2012 uu ka faa’iiday lacag dhan 68 milyan oo doller. Wakhtiyadii uu baahiya xayaysiiska shaahan dhakhaatiir aad u badan ayaa dadka uga digay inay isticmaalaan shaaha madaama uu aanu lahayn aqoon caafimaad Sanadkii 2017 ayuu mar kale asaasay shirkadda Bulletproof nutrition , oo iyana samaysa raashin kala duwan oo nafaqo leh.
Kuwaasi oo uu muujiyay inuu ugu talo galay inay dadka cimrigoodu ku
dheeraado. Ganacsadahan ayaa cadeeyay in sanadka 2019 uu ku bixiyay tijaabo baylooji ah kharash dhan hal milyan oo doller si uu gaadho da’da 180 sano. Dave Asprey lixdii bilood hal mar ayaa lafihiisa dhuux gaar ah lagu shubaa unugyada Stem cells, kuwaasi oo qaabilsan inay bedelaan unugyada xumaaday ee jidhka isla markaana ka qayb qaata koritaanka jidhka.
Waxa kale oo uu leeyahay qol u gaar oo talaajado yaalaan oo jidhkiisa lagu qaboojiyo iyadoo la isticmaalayo Naytorjin. Waxaan uu sheegay inuu qaato cunto dhamaystiran 100%, Waxaana Dave uu qataa tijaabooyin badan oo aad u yaab badan si uu mar uun u gaadho da’da uu doonayo ee ah 180 sano.