Maamulka Gobolka Daad-Madheedh Oo Furay Tartan Kubad Cagta Ah.
Hargeysa (Xogside) – Mukhtaar Rashiid iyo Sayid Khayre oo ku hadlaayay afka ciyaaryahannadii hore ee gobolka Daad-madheedh, waxaana ay sheegeen in maanta ay furayaan tartanka kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay sheegeen inay dib uga soo dhacay xilligii ay ku wadeen in la qabto tartankaasi abaarihii iyo kulaylkii jiray awgii.
Geesta kale, waxa iyaguna halkaasi hadallo kasoo jeediyay qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada golaha deegaanka ee degmada Oodweyne, kuwaasoo sheegay inay rajaynayaan in ciyaartani ay ku soo dhammaato si nabad’gelyo ah iyagoo sheegay inay ka qayb qaadanayaan lix kooxood oo ka mid ah naadiyada ka dhisan degmada Oodweyne.
Maamulka Gobolka Daad-Madheedh Oo Furay Tartan Kubad Cagta Ah.